Barcelona oo laba laacib ay dhaawac uga baxeen qaybtii hore

Photo published for Barcelona vs Manchester City LIVE score and goal updates

(Barcelona) 19 Okt 2016 Kooxda Barcelona ayaa galaysa mashaqo qaybta labaad ee ciyaarta haatan ay laciyaarayaan kooxda Man City kadib markii ay dhaawac uga baxeen laba kamid ah daafacyadeeda.

Gerard Pique iyo Jordi Alba ayaa dhaawac uga baxay garoonka kadib markii uu soo gaaray dhaawac u diiday inay dhamaystaan ciyaarta.

9-daqiiqo markii ay maraysay ciyaarta Jordi Alba ayaa dhaawac looga saaray garoonka, waxaana badalkiisa soo gaalay daafaca reer France ee Lucas Digne.

39 daqiiqo tababare Enrique ayaa ku qasbanaaday inuu ciyaarta ka saaro Pique oo uu soo gaaray dhaawac, waxaana badalkiisa soo galay daafaca reer France ee Mathieu.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay haatan ciyaarta ku hogaaminayso gool cajiib ah oo uu u dhaliyay Lionel Messi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close