Waa kee Daafaca Bayern Munich u ciyaara ee Manchester City ku doonayso 45 Milyan ee Euro?

<> at Allianz Arena on August 9, 2013 in Munich, Germany.

(Manchester), 18 Okt  2016   –Mas’uuliyiinta kooxda Manchester City ee Waddanka Ingiriiska oo uu hor kacayo Tababare Pep Guardiola ayaa kulammo la yeeshay wakiillo ka socda Daafaca kooxda Bayern Munich ee Jarmalka David Alaba labadii toddobaad ee la soo dhaafay sida uu soo ogaaday Wargeyska ‘The Sun’.

Wargeysku waxa uu xusay in Manchester City ku adkaan doonto in 24 jirkan u dhashay Austria ay la soo wareegto bisha Janaayo, balse ay heli karto xilli ciyaareedka soo socda.

Goolashii laga dhaliyay Manchester City kulammadii ugu dambeeyay ayaa u badnaa qaladaad xagga Daafacyadooda Midig iyo Bidix ay sameynayeen, taasoo tababare Guardiola uu aaminsan yahay in uu cillad bixin karo David Alaba oo uu macallin u soo ahaa saddexdii sano ee uu joogay Bayern Munich.

Dhinaca kale Alaba oo boosas dhowr ah ka ciyaari kara ayaa Bishii Maarso ee sanadkan waxa uu heshiis 5 sanadood ah u kordhiyay Bayern Munich isagoo mushaar ahaanna u qaata €84,000 oo Euro toddobaadkii.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close