RASMI: Luka Modric oo heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Real Madrid

modric

(Madrid) 18 Okt 2016 – Luka Modric ayaa u saxiixay Real Madrid heshiis cusub oo ku eg ilaa 30 bisha June sanadka 2020 sida ay goordhow xaqiijisay kooxda ka dhisan garoonka Santiago Bernabeu.

Xiddiga xulka qaranka Croatia ayaa heshiiskiisa waxa uu ku ekaa sanadka 2018, laakiin hadda waxa uu ogolaaday inuu labo sano oo hor leh ku sii kordhiyo oo uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Madrid.

Luka Modric ayaa kooxda haysata Champions League kaga soo biiray Tottenham bishii Agoosto sanadkii 2012-kii, waxaana uu tan iyo markaas ka mid noqday xiddigaha furaha u ah kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

31-sano jirkaan ayaa 180 kulan u ciyaaray kooxda Real Madrid ilaa iyo hadda tartammada oo dhan, waxaana uu kula guuleystay labo Champions League, labo UEFA Super Cup, koobka kooxaha Adduunka, Copa del Rey iyo Supercopa de Espana.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close