Laacib ka tirsan Chelsea oo 20-daqiiqo sugayay Cristiano Ronaldo si uu sawir ula galo

cr

(Madrid) 18 Oktoobar 2016. Da’yarka Chelsea Charly Musond ee amaahda ku jooga kooxda  Real Betis ayaa 20-daqiiqo bannaanka qolka dhar badelashada Real Madrid ku sugayay Cristiano Ronaldo si uu ula kulmo isla markaana uu sawiro ula galo.

Real Madrid ayaa 6-1 uga adkaatay naadiga Betis iyadoo uu Ronaldo dhaliyay goolkii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Musond ayaa sida taageere oo kale waqti badan sugayay Ronaldo si uu sawir ula galo ama uu u helo saxiixiisa, waayo midaa kuma sameyn Karin garoonka dhexdiisa maadaama uusan kulanka ka soo muuqan.

Xiddiga reer Belgium oo ay maalinkii sabtida ku beegnayd dhalashadiisa, wuxuuna helay wax uu ku farxo uusan ilaawi doonin maadaama uu la kulmay xiddiga uu sida wayn u taageero isla markaana helay waqti yar uu kula sheekeysto.

20-jirka ayaa marar badan horey uga hadlay sida uu ula dhacsan yahay kabtanka xulka Portugal oo isaga dartii ayuu u xirtaa maaliyada No. 7.

Ronaldo ayaa inanka yar u ogolaaday inuu sawiro la galo isagoo xitaa u saxiixay maaliyada.

SAWIRRO:

Charly Musonda waits 20 minutes for Cristiano Ronaldo signature and picture

Will he, wont he...all Musona can do is wait for Ronaldo to come out of the dressing room

Musonda finaly meets his hero CR7

Musonda in action for Real Betis

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close