Ibrahimovic: Intii wax dhaama ayaan la imaan karay

zlatan-ibrahimovic-cropped_1b873239b19xs1fxfpa05imj15

(Manchester) 18 Okt 2016. Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa qiray in uu wax ka wanaagsan intii uu xalay sameeyey la imaan karay.

Weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain  waxa uu hogaanka u dhiibi karay dhiniciisa kaddib laad jan jeer caaqibo lahaa uu qeybtii dambe uga yimi Paul Pogba.

Waxa uu yiri Ibra: “Wey adkeyd. Kubadda ayaan eryanayey meeshii an weerari lahaa. Laakiin waxa ay ahayd ugu yaraan in aan gool beegsi sameeyo.

“Hadana, waxaan joogay booska saxda ah waana waxa muhiimka ah. Marka dambe sidan wax ka wanaagsan ayaan sameyn doonaa.

“Waxa uu ahaa kulan adag isla markaana, banaanka ayaan Liverpool uga hor tagnay, kuwaas oo kooxaha waa weyn garaacayey. Waxaan qabaa in natiijo wanaagsan ahayd.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close