HOR DHAC: Lyon Vs. Juventus

lyon

(Lyon) 18 Okt 2016. Juventus waxa ay booqan doontaa Lyon kulanka saddexaad ee Group-ka ay Champions League uga jiraan.

Max Allegri ayaa safriyey dhinac ay ka maqan yihiin xiddigo laf dhabar u ah oo tiro leh.

Maxaa Turin ka cusub?

– Claudio Marchisio wuu u soo kacay Juventus walow uu ahaa keyd aan la hawl galin kulankii ay 2-1 ku gees garaaceen Udinese hadana laguma darin safka ciyaartan Champions League.

– Mario Mandzukic iyo Giorgio Chiellini lama aysan safrin  kooxda.

– Moises Kean oo ah dhaliye 16 jir ah ayaa lagu daray dhinac dhoofay ciyaar tagay waxa uuna ka dheeli doonaa booska tobnaad waxaana ka horreyn kara midkood Dybala ama Higuain.

– Daniele Rugani, Kwadwo Asamoah and Marko Pjaca intaba dhaawacyo ayey uga maqan yihiin Juve halka Stephan Lichtsteiner uusan gabi’ahaanba qeyb ka ahayn safka Champions League ee Bianconeri.

RAAD RAAC:

-Juventus ayaa badisay saddexddii kulan ee ay hore ula ciyaartay Lyon dhamaan tartamada.

SAFAFKA LA FILI KARO

juvelll

Gegida: Des Lumieres

Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm

Dhex dhexaadiyaha: Szymon Marciniak (Poland)

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close