‘Guardiola wuu yaqaan sida loo karbaasho Messi’, – Gundogan

ilkay-gundogan-manchester-city_1ccztebgy424b1rbbz3y1ii6ig

(Manchester) 18 Okt 2016. Ilkay Gundogan waxa uu aaminsan yahay in xogta qotada dheer ee uu Pep Guardiola ka hayo Barcelona ay ka caawin doono Manchester City celinta Lionel Messi iyo ku soo qaadashada saddexda dhbicood gegida Camp Nou.

Guardiola waxa uu ku laaban doonaa Barca markii labaad isaga oo tababare ah marka uu City u safriyo arbacada kulan ka tirsan Champions League.

Waxa uu halkaas ku soo qaaday 14 koob muddo afar sano ah oo u dhexeeysay 2008 ilaa iyo 2012 oo uu majaraha u hayey, waxaana si baahsan mudnaanta loogu siiyo soo ban bixida Messi.

Guardiola kulankiisii ugu horreeyey ee uu koox u geeyo dhiniciisii hore waa la garaacay, waxa ayna kolkii Bayern Munich looga badiyey 3-0 sanadii 2015 afar dhamaadka Champions League.

Laakiin Gundogan waxa uu aaminsan yahay in City ay ku gaashaaa=mantay xog aqooneedkiisa ee kooxda halkaas oo uu magac uga sameeyey ciyaaryahan ahaan iyo tababare-ba.

“Faa’ido weyn ayey noo tahay maxaa yeelay wuu yaqaan,” ayuu u sheegay Gundogan wariyeyaasha “Wuu garanayaa kooxda, naadiga, gegida, wuuna yaqaan Messi.

“Waxa kale ee uu garanayo waxa  weeyey qaabka Barcelona, qaabka Catalan ee ay rabaan in ay u dheelaan, waxa uuna nasiin doonaa xog uusan jirin tababare kale oo noo keeni kara.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close