Champions League – Guruub H: Kooxda Juventus oo ka adkaatay Lyon iyadoo kaarka cas laga qaatay, xilli Sevilla ay garaacday Dinamo Zagreb …+ SAWIRRO

(Yurub) 18 Okt 2016 – Kulan ka tirsan qeybta H ee Champions League ayaa caawa la ciyaaray waxaana kooxda reer Talyaani ee Juventus iyadoo kaarka cas laga qaatay ay 1-0 kaga adkaatay Lyon, halka Sevilla ay gool madi ah ku martay Dinamo Zagreb.

Kulanka dhexmaray Lyon iyo Juventus ayaa ah mid adag waxaana kooxda Lyon ay ku dhowaatay inay hoggaanka u qabato ciyaarta, laakiin gool ku laad loo dhigay 35’daqiiqo waxaa ka khasaariyey Alexandre Lacazette, waxaana ka badbaadiyey rigooradaas goolhaye Buffon, sidaas ayaana lagu kala nastay qeybta hore ee ciyaarta goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee kulankan Mario Lemina oo ka tirsan Juventus ayaa kaarka cas loo taagay 54’daqiiqo markii ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah.

Juventus oo kaarka cas laga qaatay ayaana goolka guusha la timid waxaana guushaas caawa ku hoggaamiyey 76’daqiiqo Juan Cuadrado, 1-0 ayeyna Juventus kaga adkaatay kooxda Lyon.

Dhinaca kale kooxda Sevilla ayaa 1-0 ku garaacday Dinamo Zagreb oo ay marti u ahayd, waxaana goolkaas guusha u dhaliyey Sevilla 37’daqiiqo qeybtii hore Samir Nasri.

Sida guruubkan H loo kala sarreeyo halkaan hoose ka eeg:-

capture

SAWIRRO:

cve_u5ixeag6bvu

cve-z_fwyaar2x2

cve-z9rxeaaay7g

cvfczwuw8aabxn9

cvfe9ktw8aej4b

cvfgt5exyae6s1w

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close