‘Aguero waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan gudaha xeyn daabka dunida’.

sergioaguero-cropped_9y33pa2s9s2n1fnshk017dmmp

(Barcelona) 18 Okt 2016. Daafaca Barcelona Javier Mascherano ayaa ku tilmaamay Sergio Aguero halista ugu weyn ee Manchester City kahor is aragooda Champions League.

Aguero waxa uu beer dareeyey gool ku laad kulankii ay bar bar dhaca 1-1 la galeen Everton waxa uuna dhaliyey 11 gool 9 kulan oo uu dhamaan tartamada ololahan matalay City.

Lix ka mida goolashaas waxa ay yimaaden Champions League halka Mascherano uu saaxiibadiis uga digay qatarka uu ku keeni karo.

“Aguero waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida marka ay timaado gudaha xeyn daabka marka la eego dhameystirkiisa iyo tayadiisa guud ahaan,” ayuu u sheegay Website-ka Barcelona.

Barcelona waxa ay soo dhaweyn doontaa City habeenka arbacada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close