XOG: Milan oo London ka furtay wadaxaajood ee ay ku soo qaadaneyso Lamela

eriklamela-cropped_chxzactpzc971s0efxduvn3n4

(Milan) 17 Okt 2016. AC Milan ayaa la soo warinayaa in ay bisha Janaayo diyaarineyso dalab ay ka gudbiso garabka Tottenham Hotspur Erik Lamela.

Laacibka u dhashay Argentina ayaa White Hart Lane uga soo biiray Roma xagaagii 2013.

Argentinian-ka ololahan iminka socda waxa uu dhaliyey laba gool halka uu saddex kale sameeyey.

Sida ay qortay Calcio Mercato Web, agaasimaha Milan Marco Fassone iyo agaasimaha ciyaaraha Massimo Mirabelli toddobaadkanw waxa ay wadaxaajood London uga fureen arinta Lamela.

Lamela waxa uu ka dhacayaa qandaraaska uu ku joogo waqooyiga London 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close