‘Ozil in uu joogo ayuu doonayaa’, – Wenger

hd-ozil_nkt10bfuwh4k16m5leakxsos0

(London)17 Okt 2016. Tababbaraa Arsenal ayaa qiray in ay u baahan yihiin jabinta bangigooda si Mezut Ozil u saxiixo qandaraas cusub.

Ozil heshiiska uu  iminka kula jiro Gunners waxa uu ku egyahay 2018 laakiin xiddiga Germany waxa uu rabaa heshiiskii ka hormarsan.

28 jirka waxa uu sidoo kale doonayaa in uu qeyb ka ahaado koox guuleysata, Arsenal ma aysan qaadin Premier League tan iyo 2004.

Iyada oo uu Wenger ka gaabsadaymustaqbalka Ozil, hadana waxa uu yiri: “Hadii aad bangi wanaagsan haysato I soo wac.”

Wenger waxa uu intaa raaciyey: “Ma qabo in uu ka dhaa dhicin uu u baahan yahay. Waxa uu doonayaa in uu joogo.

“Ma aha lacag kaliya. Arsenal wey ku guuleysan kartaa koobab. Laakiin waa in aan muujinaa. Waxaan ku jirnaa  horyaal oo ay u wada tartamayaan an City, Man United, Liverpool, Chelsea iyo Tottenham, taasina uma ballan qaadi kartid qof.

“Wada xaajoodkaas sir ayaan ka dhigeynaa. Waqti dhaw waan soo bandhigi doona. Waxaan rabnaa in aan haysano ciyaaryahanadeena wanaagsan, dabcan. Inta jeer ee aan sidaas dhaho, waa inta ay ka sii xoogeysaneyso.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close