Muxuu ka yiri Mourinho shaxda uu ku soo galay kulanka Liverpool?

(Manchester) 17 Okt 2016 Tababaraha kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay shaxda uu ku soo galay kulanka caawa ee Liverpool.

Mourinho ayaa ku soo bilaabay Ashley Young oo ay ugu danbaysay inuu ku soo bilowdo tan iyo kulankii xiliciyaareedkii hore ee United ay Anfield kula ciyaartay Liverpool.

Jose ayaa sheegay in Young uu awoodo inuu ka ciyaaro labada garab isla markaana uu kooxda uga faa’idaynayo khibradiisa kulamada waa wayn.

“Marka aan kubadda haysano waxaan raadin doonaa inaan gool dhalino laakiin marka ay Liverpool kubadda qabsato waxaan ku difaactami doonaa 11-laacib” ayuu yiri Mourinho.

“Young waa mid kamid ah ciyaartoyda ka ciyaari kara labada garab, wuxuu kooxda siinayaa khibrad” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close