Klopp: Waxa qura ee aan ballan qaadi karo khaor kulanka United…..?

Klopp

(Liverpool) 17 Okt 2016. Tababbaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ballan qaaday in dhiniciisa ay diyaar u ahaan doonaan kulanka adage e ay la leeyihiin xifaaliyeyaashooda Manchester United.

Reds waxa ay kulankan dheeleysaa iyada oo saddex dhibcood ka sarreeysa United.

Klopp waxa uu ku adkeystay in kooxdiisa ciyaari doonto qaabka lagu yaqaan halkii ay ka wal wali lahaayeen tayooyinka United waxa uuna sheegay in uu kalsooni ku qabo natiijo wacan.

“Wax badan ayaa nagala rabaa in aan sameyno kahor kulanka, laakiin diyaar ayaan ahaan doonnaa, tani waa sheyga kaliya ee aan ballan qaadi karo.”

Liverpool guul darro ayey la kulantay afartii kulan ee ugu dambeeysay Premier League ee ay la dheesho United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close