Heegan oo kullan adag wajaheysa naadiga Somali Fruit      

img_c8eac3-a751f8-d51d48-b3a2cf-723aba-493512

(Muqdisho) 17 Okt  2016 –Kooxda Heegan oo kullankii ugu dambeeyay bar baro lasoo gashay naadiga Elman ayaa galabta ciyaareysa kullan aad u xiiso badan kaasoo ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud.

Naadiga Ciidanka Booliska ayaa galabta ciyaareysa kullankeedii  labaad, guruubka C,  oo ah guruub adag markii la tix raaco kooxaha ku jira.

Kooxda lagu naaneyso Cawo iyo Maalin ee Horseed ayaa xaqiijisay in ay kasoo baxday Guruubkan, iyadoo waliba kulan uu u harsan yahay.

Heegan ayaa galabta la ballansan kooxda Somali Fruit     oo ka mid ah siddeeda naadi ee kasocota heerka labaad.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Cawaale ee omali Fruit ayaa kullankii ugu dambeeyay heerka guruubyada ee koobkan, waxa ay guuldarro kala kullantay naadiga Horseed.

Kullankii  ugu dambeyay ay ciyaareen kooxaha Heegan iyo Somali Fruit ayaa kusoo dhamaatay 3-0 oo ay ku badisay Heegan waana ciyaar dhacday 14/05/2015.

Sikastaba kullankaan ayaa galabta ka  dhici doono garoonka Jaamacadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir sida ku xusan jadwalka isku aad ee kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close