DAAWO: Inter oo laga yaabo inay Icardi kabtannimada ka xayuubiso! (Shil dhacay?)

(Milano) 16 Okt 2016 – Madaxwayne xigeenka Inter Milan ee Javier Zanetti ayaa xaqiijiyay inay dhici karto in kabtanimada laga xayuubiyo Mauro Icardi kaddib “warkiisii aan la aqbali karin” ee uu ka yiri taageerayaashiisa.

Kadib taageerayaasha Curva Nord ayaa dagaal u caddaystay Icardi kaddib markii uu cutub buuggiisa ka mid ah uu kaga hadlay shil isaga iyo taageerayaasha dhex maray 2015.

Laacibkan reer Argentina ayaa saaka taageerayaasha ugu jawaabey Instagram-ka, balse sharraxaaddiisa lama aqbalin, iyadoo ay xiisadi ka taagnayd kulankii galabta ku qabsoomay San Siro ee ay Inter 2-1 ku suul daartay Cagliari.

“Miyaannu tillaabo qaadaynaa? Nasiib xumo haa. Taageerayaashu waa cunsurka noogu muhiimsan, way na raacaan waana inaan gebigeen xushmaynaa,” ayuu yiri Zanetti oo la hadlayay Mediaset Premium.

“Dhaqanka noocan ah ka aqbali mayso qof naadiga u shaqeeya. Ciyaartan kaddib waannu wada hadli doonnaa annagoo eegi doona wixii aannu yeeli lahayn. Miyaannu kabtannimada ka qaadi doonnaa? Waannu ka hadli doonnaa, mana aha Icardi oo qura ee waa in uu dhaqankeennu la saan qaadaa qiimaha iyo taariikhda Inter.” ayuu raaciyay.

Shilkan ayaa ka bilowday kulan sanadkii hore ay Sassuolo 3-1 uga badisay Inter, markaasoo uu Icardi wiil yar oo taageere ah u tuuray funaanaddiisa, wuxuuse sheegay inuu taageere ka tirsan kuwa Curva Sud uu dib ugusoo tuuray funaanadda, taasoo keentay inay is aflagaaddeeyaan Icardi.

Halkan ka DAAWO waraysiga…

https://www.youtube.com/watch?v=NR9qlt7fl3w

Inter Milan's Mauro Icardi argues with supporters at the end of a Serie A soccer match against Inter Milan at Reggio Emilia's Mapei stadium, Italy, Sunday, Feb. 1, 2015. Inter Milan lost 3-1 at Sassuolo, prompting a row between the visiting fans and two of their players. (AP Photo/Serena Campanini, Ansa) ITALY OUT
Inter Milan’s Mauro Icardi argues with supporters at the end of a Serie A soccer match against Inter Milan at Reggio Emilia’s Mapei stadium, Italy, Sunday, Feb. 1, 2015. Inter Milan lost 3-1 at Sassuolo, prompting a row between the visiting fans and two of their players. (AP Photo/Serena Campanini, Ansa) ITALY OUT

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close