Dabaal daggii Ozil oo macno loo yeelay!

mesut-ozil-arsenal-premier-league_1gzq6xwkjgezm11f4vh3rf6bjz

(London) 16 Okt 2016. Mezut Ozil ayaa sheegay in dabaal dagii shalay uu u hibeenayey gabadha uu adeerka u yahay ee la yiraahdo ‘Mira’.

Laacibka Arsenal waxa uu mar kale ku celiyey calaamada saddex faroodka ah kaddib markii uu goolka saddexaad ka dhaliyey Swansea.

‘Taas waxa aan ugu tala galay gabadha aan adeerka u ahay,’ ayuu u sheegay Website-ka Arsenal. ‘Waxaa lagu magacaaba Mira marka aan dhaliyo, goolasha iyadaa leh.

‘Aad ayey u yartahay mana dareemi karto laakiin wey timi dhawr jeer London weyna daawatay qaar ka mida kulmada oo aan goolal dhaliyey oo aan sameeyey calaamadaas.

mesut-ozil-arsenal-premier-league_10lel0y0wnw2y135clbmyiqpaz

‘Waan ku raaxeystaa in aan waqti la qaato maxaa yeelay aad ayey u qurux badan tahay. Waxa ay ku jirtaa da’da la joogideeda aan ku farxeyso.

‘Qoys ayaan waan ku faraxsanahay in aan haysano. Dhabtii wey haysataa funaanad Arsenal ah iyo mid Germany ah oo ay magaceeda dhabarka uga qoran yihiin.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close