AC Milan & Chelsea oo iskula dheggan Milan Badelj

(Milano) 14 Okt 2016 – Waloow ay Chelsea hardan kala kulmayso misna kooxda AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay bisha Jannaayo aad mar kale u doonaysaa laacibka khadka dhexe ee Fiorentina jaalle Milan Badelj.

Laacibkan reer Croatia ee caalamiga ah ayaa ka caga taallaynaya inuu qandaraas cusub u saxeexo kooxda reer Florence waxayna aad ugu badan tahay in la iibiyo bisha Jannaayo ama ugu dambayn xagaaga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa safka kusoo darayay Chelsea oo bisha Jannaayo doonaysa, taasoo xasaasiyad yar ka kicisay xerada Rossoneri, maaddaama uu Vincenzo Montella aad u doonayay ardaygiisii hore.

Sida uu dhigayo La Nazione, AC Mlan ayaa ugu diyaar ah inay dalab rasmi ah u gudbiso kooxda  Fiorentina si ay u besho Badelj.

Naadigan Milanese-ka ah ayaa waxaa la wareegaysa dallad Chinese ah bartamaha bisha Nofeembar, taasoo kooxda siinaysa cudud dhaqaale oo cusub, iyadoo ay durbaba diyaar tahay lacagtii ay uga soo adeegsan lahayd suuq-jiilaalka Jannaayo.

Kooxda AC Milan ayaa horraan Mati Fernandez ugasoo qaadatay Fiorentina isla maalintii uu suuq-xiranka, balse wuu dhaawacmay isagoon hal kulan u safanin Milan.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close