Usain Bolt oo Bisha June ee sanadka dambe ordaya Orodkiisii ugu dambeeyay

usain_bolt-1250x750

(Kingston), 15 Okt 2016      –Orodyahanka caanka ah ee Jamaica, Usain Bolt ee ku guuleystay 9′ Billadood ee Dahabka ah ciyaaraha Olombikada tan iyo Beijing 2008 ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Tartanka ‘The Racers Grand Prix’ ee Bisha June ee sanadka dambe lagu qaban doono Jamaica uu yahay kii ugu dambeeyay ee uu ordi doono ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.

Bolt oo 30 jir ah ayaa isagoo wareysi siinayay barnaamij Telefishineedka ‘Smile Jamaica’ waxa uu yiri “Haa, Horyaalka Orodka ee lagu qaban doono London sanadka dambe wuxuu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee aan ordo, sidoo kale the ‘The Racers Grand Prix’ waxa uu isagana noqonayaa kulankii ugu dambeeyay ee aan shacabka Reer Jamaica ku hor ordo iyo kii ugu dambeeyay ee aan waddankayga Jamaica ku tartamo”.

Orodyahan Bolt ayaa waxa uu ku guuleystay Billadihii Dahabka ahaa ee 100m, 200m iyo 100×4 ee qori isku dhiibka ahaa saddexdii Olombiko ee ugu dambeeysay ee Beijing 2008, London 2012 iyo Rio 2016, waxaana loo aqoonsan yahay xidigga ugu orodka badan Caalamka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close