Muxuu ka yiri Wenger casaankii uu qaatay Granit Xhaka?

(London) 15 Okt 2016 Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay qaladkii uu galay laacibkiisa reer Switzerland ee Granit Xhaka kulankii ay kooxdiisu 3-2 uga adkaatay kooxda Swansea City.

Granit Xhaka ayaa calaamada casaanka ah loo taagay daqiiqadii 70-aad ee qaybtii labaad kadib markii uu gadaal ka jilaafay laacib ka tirsan kooxda Swansea.

Wenger ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay casaankii la siiyay Xhaka balse wuxuu ku dooday in garsooraha laga doonayay inuu siiyo jaale.

“Waxaan u arkaa ceyrin aad u xun, wuxuu u muuqday jilaafo lagu bixin karay jaale caadi ah laakiin garsooruhu wuxuu go’aansaday inuu siiyo casaan furan” ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Arsenal ayaa ugu danbayntii guul ka gaartay kooxda Swansea city oo marti ugu ahayd garoonka Emirates.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close