Maqnaashaha Sergio Ramos oo faa’iido u ah Real Madrid

(Madrid) 15 Okt 2016 Daafaca ahna kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka maqnaanaya kooxdiisa kulanka caawa Real ay u safrayso kooxda Real Betis.

Shabakada Defanse Central ee dalka Spain ayaa baahisay in maqnaashaha Sergio Ramos ee kulanka caawa ay faa’iido u tahay kooxda boqortooyada Spain.

Dhamaan kulamadii uu ka maqnaa Sergio Ramos kooxda Real Madrid intii uu laylinayay tababare Zidane ayaa la sheegay in kooxda aysan soogaarin guul daro.

Ramos

Real Madrid ayaa ciyaartay la’aanta Sergio Ramos 8 kulan intii uu tababaraha u ahaa Zidane, 6 kulan waa ay guulaysatay halka 2-kulan ay barbaro gashay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close