LA LIGA: Kooxda Barcelona oo guul wayn ka gaaray Deportivo La Coruna, xilli Lionel Messi uu soo laabashadiisa shabaqa soo taabtay… + SAWIRRO

(Manchester) 15 Okt 2016 – Kooxda Barcelona ayaa guul wayn ka gaartay Deportivo La Coruna kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain, waxaana ay afka u galisay 4-0.

Labo gool oo deg deg ah waxaa kooxda Barcelona bilowgii ciyaarta u dhaliyey Rafinha 21’ iyo 36’daqiiqo.

Inta aan la aadin qeybta nasashada waxaa 43’daqiiqo goolka saddexaad raacsaday Luis Suarez, sidaas ayaana lagu kala nastay Barca oo kulankan ku hoggaaminaysa 3-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Lionel Messi oo bedel ku soo galay kulankan ayaa goolka afaraad ugu shubay 58’daqiiqo Deportivo La Coruna.

Kooxda Deportivo waxaa kaarka cas ka qaatay 65’daqiiqo Laure, markii uu qalad ku galay Neymar, kulanka ayaana ugu dambayn ku soo dhammaaday 4-0 ay ku adkaaday Barcelona.

Dhinaca kale Sevilla ayaa 3-2 uga adkaatay Leganes oo ay marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

SAWIRRO:

cu0alebxgaesk3q

cu0bgh-wyae3zho

cu0jbmkwcaav46q

cu0ntehw8aaucri

cu0oumvwyaamg6f

cu0sfxnwgaahm_h

cu0trx8wyaacreg

cu0xkddwyaex9co

cu0ypj8w8aa9a9q

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close