Giorgio Chiellini oo dhaawacmay iyo Allegri oo badalkiisa u yeeray Bonucci

Image result for Giorgio Chiellini

(Torino) 15 Okt 2016 Giorgio Chiellini ayaa isbadal ku sameeyay qorshihii tababare Allegri ka hor kulanka caawa ee Juventus ay marti qaadi doonto kooxda Udinese.

Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Giorgio Chiellini uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah, waxaana la sheegay inuu dhaawac uga tagay xerada tababarka ee kooxda ka hor kulanka caawa.

Tababare Allegri ayaa ku qasbanaaday inuu u yeero Bonucci oo uu horay u siiyay fasax ku aadan inuu nasto si uu taam ugu noqdo kulanka Lyon, laakiin dhaawaca Chiellini ayaa keenay in lagu soo daro liiska ciyaartoyda ciyaari doona kulanka Udinese.

Image result for Giorgio Chiellini and Bonucci

Giorgio Chiellini ayaa sidoo kale shaki lagalinayaa inuu taam u noqon karo kulanka adag ee Juventus ay u safri doonto talaadada kooxda Lyon kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close