EPL: Manchester City oo barbaro kala kulantay Everton, kooxda Tottenham oo taako loo dhigay iyo kulamadii kale ee la ciyaaray… + SAWIRRO

(Manchester) 15 Okt 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa barbaro 1-1 kala kulantay Everton oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Premier League, halka sidoo kale taako loo dhigay Tottenham.

Man City ayaa heshay fursad ay ciyaarta hoggaanka ugu qaban kartay, waxaana rigoore ka khasaariyey 43’daqiiqo Kevin de Bruyne, kaddib markii Phil Jagielka uu xerada ganaaxa ku jilaafay David Silva, sidaas ayaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Everton oo marti ahayd ayaa goolka hore la timid waxaana u dhaliyey 64’daqiiqo Romelu Lukaku, markii kubad uu la orday inta goolhayaha Man City ula tagay dhinac ka dhigay, sidaas ayuuna kulanku ku noqday 1-0 ay ku gacan sarreysay Everton.

Markale Man City ayaa iska lumisay fursad ay ciyaarta barbaro kaga dhigi kartay waxaana gool ku laad kale ka lumiyey 70’daqiiqo Sergio Aguero, laakiin labo daqiiqo kaddib rigoorada uu lumiyey Aguero, waxaa goolka barbaraha u dhaliyey Man City Nolito, waxaana uu ahaa madax qurux badan, kaddib karoos uu ka helay David Silva, kulanka ayaana ku soo dhammaaday gar isku mid ah 1-1.

Man City iyo Arsenal ayaa haatan hoggaanka horyaalka Premier League ku wada qabtay min 19-dhibcood.

Kulamaddii kale ee la ciyaaray horyaalka Premier League:-

AFC Bournemouth 6 – 1 Hull City

Manchester City 1 – 1 Everton

Stoke City 2 – 0 Sunderland

West Bromwich Albion 1 – 1 Tottenham Hotspur

SAWIRRO MAN CITY:-

cu0gr1uwaaagrfv

cu0gthjxyamhbw5

cu0gumqxyaa1hab

cu0gyovxgaebsur

cu0rhvzwyaevjlj

cu0rirswaaaqyii

cu0rjfqxgaacyly

cu0rkjaw8aamnuc

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close