EEG SAWIRKA: Muxuu Diego Costa kala jeeday dabaal dagga goolkii uu ka dhaliyey kooxda Leicester City?

(London) 15 Okt 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa 2-0 ku hoggaaminaysa Leicester City oo ay ku soo dhowaysay garoonkeeda Stamford Bridge kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Goolka hore waxaa u dhaliyey Chelsea Diego Costa daqiiqaddii 7’aad ee bilowgii ciyaarta, waxaana goolkaas uu ahaa goolkiisii 7-aad oo uu Premier League ka dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Eden Hazard ayaa goolka labaad ee kulankan u dhaliyey Chelsea 33’daqiiqo, kaddib markii isagoo xawaare sare ku ordaya uu goolhayaha Leicester oo ku soo baxay uu kubadda dhinac ka dhigay.

Marka uu Costa dhaliyey goolkaas waxa uu sameeyey dabaal-deg cusub oo aan horay looga baran, waxaana uu faraha gacmihiisa ku muujiyey xarafka “W”, kaasoo uu kala jeeday magaca  xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Willian oo magaciisu uu ka bilowdo xarafka “W”.

Costa ayaana dabaal-deggan xushmad ugu muujinayey saaxiibkiis Willian oo ay hooyadiis dhowaan u geeriyootay cudurka Kansarka, kaasoo kulankan seegay.

EEG SAWIRKA:

cuzn1sew8aazqjx

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close