Kabtanka kooxda Liverpool oo ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa bishii September ee horyaalka Premier League… (Daawo)

hend

(Liverpool) 14 Okt 2016 – Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska ee Premier League bishii la soo dhaafay ee September.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa shaaciyey in goolkii ugu fiicnaa ee laga dhaliyey bishii hore horyaalka Ingiriiska uu dhaliyey xiddiga reer England ee hoggaamiya kooxda Reds Jordan Henderson.

Waxa uu Jordan Henderson goolkii ugu fiicnaa bishii September horyaalka Premier League ku qaatay goolkii cajiibka ahaa ee uu bishii la soo dhaafay ka dhaliyey kooxda Chelsea.

Goolkii ugu fiicnaa bishii September horyaalka Premier League halkaan hoose ka daawo:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close