JANERAAL DAA’UUD: Jeenyo iyo Gaadiidka oo galabta isku dhagan

(Muqdisho) 11 Oktoobar 2016-Labada kooxood ee Jeenyo iyo Gaadiidka ayaa kullan xiiso badan waxa ay ku ciyaari doonaan garoonka Koonis, degmada C/ Casiis ee gobolka Banaadir.
Naadiga Jeenyo ayaa kullankii ugu dambeeyay kasoo adkaatay Banaadir S.Club, halka Gaadiidka ay dhib la’aan ku dhaaftay naadiga Gantaalaha Afgooye.
Labada kooxood ayaa ka mid ah naadiyada ugu awooda badan kooxaha ka ciyaara dalkeena Soomaaliya, iyagoo ku wada jira guruubka D.
Kullankii ugu dambeeyay ay wada ciyaareen labadaan kooxood, waxa uu kusoo dhamaaday 2-1, oo ay guusha ku qaadatay naadiga Jeenyo waana ciyaar dhacday 23/03/2016 kana tirsaneyd horyaalkii heerka koowaad oo ay ku guuleysatay Banaadir.
Sikastaba Guruubkaan ayaa waxaa min saddex dhibcood wada leh kooxaha galabta ciyaaraya ee Jeenyo iyo Gaadiidka, halka qeybta hoose ay joogaan Banaadir S.Club iyo Gantaalaha Afgooye.
Natiijooyinka lixdii ciyaar ee ugu dambeysay
30/01/2014 Jeenyo FC 2 : 0 Gaadiidka
04/04/2014 Gaadiidka 3 : 1 Jeenyo FC
30/12/2014 Jeenyo FC 4 : 2 Gaadiidka
29/03/2015 Gaadiidka 4 : 2 Jeenyo FC
15/01/2016 Jeenyo FC 1 : 1 Gaadiidka
23/03/2016 Gaadiidka 1 : 2 Jeenyo FC
Gool FM