Real Madrid oo Toni Kroos ka dhigaysa Laacibka Jarmal ee ugu mushaarka sarreeya Caalamka

1476252197_016437_1476252483_noticia_normal

(Madrid), 12 Okt 2016   –Naadiga Kubadda Cagta Jarmalka ayaa lagu warramayaa in ay qorsheynayso in heshiis dheer oo aad u qaali ah ay ka saxiixato laacibkeeda Reer Jarmal ee Toni Kroos, qandaraaskaas oo tixnaan doona illaa sanadka 2022.

Haddii heshiiskan qallinka lagu duugo ayaa Kroos wuxuu noqonayaa Laacibka Jarmal ee ugu mushaarka sarreeya Caalamka isagoo sanadkii jeebka ku shuban doona 20 Milyan oo Euro sanadkii halka haatan uu qaato 11 Milyan oo Euros.

Qiimaha uu ku kacayo heshiiskan cusub ee Xidiggan Khadka dhexe, Kroos ayaa waxa uu gaarayaa 120 Milyan oo Euro, waxaana haatan uu yahay xidigga 4′ ee ugu mushaarka sarreeya ciyaartoyda Jarmalka marka laga reebo Thomas Muller (Bayern Munich) 15 Milyan oo Euro, Bastian Schweinsteiger (Manchester United) 14 Milyan oo Euro iyo Ilkay Gundogan (Manchester City) 12 Milyan oo Euro.

Ciyaaryahan Kroos ayaa xagaagii 2014 waxa ay Real Madrid 30 Milyan oo Euro kaga soo iibsatay kooxda Bayern Munich, waxaana labadii xilli ciyaareed ee uu Bernabeu ka dheelay uu saftay 108 kulan isagoo dhaliyay 4 gool, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii Real Madrid u horseeday hanashadii Champions League, Koobka Adduunka ee Naadiyada iyo Laba Super Cup.

 

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close