Montella oo sheegay inuusan Fabregas rabin, laacibka uu ka qaadan lahaa xiddigihii ay isla ciyaari jireen & waxa uu ku jecel yahay magaalada xarragada ee Milano

(Milano) 12 Okt 2016 – Vincenzo Montella ayaa sheegay inuusan rumaysnayn in Cesc Fabregas uu yahay nin ku haboon Milan marka ay timaaddo in la bedelo Riccardo Montolivo oo dhaawacan.

“Waxaannu raadinaynaa laacib leh baxaalliga Montolivo, kaasoo sidoo kale ciyaari kara khad dhexe oo laba ka kooban. Fabregas? Ma laha astaamahaasi.” ayuu ku yiri Corriere della Sera.

Mar la waydiiyay in uu xuso laacib ka mid ah xiddigihii ay isku kooxda ahaayeen oo uu kusoo dari lahaa khadka dhexe ee kooxdiisa Milan wuxuu xusan kabtan Francesco Totti.

“Laacibiintii ugu wanaagsanayd waxay ahaayeen Mancini iyo Totti maxaa yeelay waxay ii sallaxi jireen fursadaha aan goolasha ku dhalin jirey, gaar ahaan Roberto. “Balse macallin ahaan waxaan jeclaan lahaa [Juan Sebastian] Veron.

Macallinkan 42-jirka ah ayaa ka sheekeeyay sida uu u saldhigtay magaalada caasimadda xarragada ee Talyaaniga.

“Magaalada Milano waan ku faraxsanahay shaqada. Waan fahamsanahay inay tahay magaalo wax badan ku siinaysa, gaar ahaan dhanka nolosha habeenka  – baga’ – macallimiin ahaan waxaan niraahnaa! Waxaan ku noolahay San Siro, balse waxaan jeclahay Brera.” ayuu yiri Montella.

bb

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close