Chelsea oo ku soo biirtay kooxaha doonaya saxiixa Carrasco

Image result for Yannick Ferreira Carrasco

(London) 12 Okt 2016 Kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa ku soo biirtay kooxaha xiisaynaya laacibka reer Belgium ee kooxda Atletico Madrid Yannick Ferreira Carrasco.

Sida ay baahisay The Sun, kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo saxiixa Yannick Ferreira Carrasco ka hor inta aysan Atletico sare u qaadin qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa oo ah 40 milyan oo euro.

23 jirkaan ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Monaco isaga oo u saxiixay xaggaagii hore kooxda Atletico Madrid heshiis 5 sano ah.

Milkiilaha Chelsea ayaa diyaar u ah inuu faraqa ugu shubo tababare Conte lacagta uu doonayo si uu u soo iibsado ciyaartoyda uu u arko inay fulin karaan falsafadiisa.

Chelsea ayaa loolan ku aadan saxiixa Yannick Ferreira Carrasco kala kulmaysa kooxda Barcelona oo dhankeeda doonaysa inay la wareegto laacibka reer Belgium.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close