Xulka Junyarka Talyaaniga oo usoo baxay Koobka Qaramada Yurub 2017 + Sawirro

(Kaunas) 11 Okt 2016 – Xulka Talyaaniga ee 21-jirrrada ayaa helay hal dhibic oo ay uga baahnaayeen inay usoo baxaan Koob Qaramada Da’yarta ee 2017 European Under-21 Championship kaddib markii ay 0-0 la galeen Lithuania.
Xulka Azzurrini ayaa Lithuanian ku qabqabtay caasimadooda Kaunas, iyagoo kubadda haystey 70 boqolkiiba, balse 10-koodii isku day wax gool ah ma dhiiqin.
Markii la afuufay seerigii ciyaar-dhamaadka ayay labada dalba dabbaal degeen, waayo Talyaanigu waxay ku guulaysteen guruubka 2-aad iyagoo dhibic ka sarreeya Serbia, halka Lithuania ay ku qanacsaneed bareejada ay ku celisey Talyaaniga.
Lithuania 0-0 Italy
Lithuania: Svedkauskas; Artimavicius, Gaspuitis, Baravykas, Janusevskij, Petrauskas, Silkaitis, Kazlauskas (Lasickas 90), Sirgedas, Stankevicius, Ruzgis (Upstas 74)
Italy: Cragno; Conti, Ferrari, Caldara, Barreca, Grassi (Mazzitelli 90), Benassi, Cataldi, Rosseti (Petagna 57), Ricci, Di Francesco (Morosini 78)
Garsoore: Treimanis (LAT)
Gool FM