Talyaaniga oo ka haray tartankii marti gelinta Ciyaaraha Olombikada 2024

2024-logos-strip-norome

(Rome), 11 Okt 2016   –Guddiga Olombikada Talyaaniga ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Roma ay ka baxday tartankii ay kula jirtay dhowr magaallo oo caalami ah oo ku aaddan marti gelinta cayaaraha Olombikada 2024.

Guddoomiyaha Olombikada Talyaaniga Giovanni Malago ayaa warqad u qoray Xiriirka Olombikada Caalamiga ah taas oo uu ku sheegayo in magaallada Roma ay ka hartay tartankaasi, kaddib markii dowladda Hoose ee Roma ay ka ka soo horjeesatay mashruucaasi.

Ka haridda Roma ee tartankan ayaa waxa uu saamaxayaa magaallooyinka kale ee Los Angeles, Paris iyo Hungary inay ku tartamaan ciddii marti gelin lahayd Olombikada 2024, waxaana magaallada ku guuleysata tartankani lagu dhawaaqi doonaa Bisha September 2017.

Waa markii labaad muddo 4 sanadood ah ay caasimadda Roma ka baxdo u tartamidda marti soorka Olombikada iyadoo horey 2012 uu Ra’iisul Wasaare Mario Monti ku gacan seyray diyaar u noqoshada Talyaaniga ee martigelinta tartanka Olombikada 2020 sababo la xiriira dhaqaale yari awgeed, waxaana 2020 lagu qaban doonaa Tokyo-Japan.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close