Roberto Mancini oo ku dhaw inuu buuxiyo booska Arsene Wenger ee Arsenal

(London) 11 Okt 2016 Tababarihii hore ee Inter Roberto Mancini ayaa lala xiriirinayaa kooxda Arsenal oo suurogal ay tahay inuu katago Wenger dhamaadka xiliciyaareed kan.

Sida ay baahisay Calcio Mercato, maamulka kooxda Arsenal ayaa u arka Roberto Mancini badalka ku haboon ee tababaraha reer France kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kan.

Arsenal ayaa heshiis kordhin hordhigtay tababare Arsene Wenger laakiin tababaraha reer France ayaa heshiis kordhinta ku xiray sida uu noqdo xaalka kooxda marka la gaaro bisha May ee 2017.

wengeree

Roberto Mancini ayaa si wacan u garanaya horyaalka ingiriiska, wuxuuna Premier League kula guulaystay kooxda Man City oo uu layliyay 4-sano.

Sidoo kale tababaraha reer talyaani ayaa lala xiriirinayaa shaqada xulka qaranka Ingiriiska kadib markii la cayriyay Big Sam.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close