Nedved; “Waxaan ka qoomameeyaa in waqtigu iga dhammaaday anoon u ciyaarin Manchester United”

nedved

(Prague), 11 Okt 2016  –Xidiggii hore ee xulka Czech Republic, Pavel Nedved ayaa shaaca ka qaaday in uu ka qoomameeyo inuu u ciyaari waayay kooxda Manchester United intii uu ciyaaraha ku jiray.

Xidiggii ugu fiicnaa Yurub 2003, Nedved ayaa waqti aad u fiican ku soo qaatay kooxaha Lazio iyo Juventus isagoo xulkiisana soo gaarsiiyay Final-kii Ciyaarihii Yurub 1996.

Nedved oo haatan 44 jir ah ayaa isagoo la hadlayay Jaraa’idka ‘iDNES’ ee Czech ayaa waxa uu yiri “Inaan u ciyaari waayo Manchester United aad ayaan uga xumahay, waayo aad ayaan u jeclaa, heshiiskaasi miiska la iima soo saarin oo keliya Chelsea ayaa i soo dalbatay xilligii aan ciyaarayay”.

“Waxaan jeclaa Jiilkii Paul Scholes iyo Giggs, waxaana xoogaa ka maseyrsanaa Karel Poborsky oo u soo ciyaaray Manchester United, dabcan jaceylkii waqtigaasina weli wuu dareemayaa” ayuu sii raaciyay Nedved.

Pavel Nedved oo lagu xasuusto laadkiisii xoogga weynaa ayaa waxa uu 3 Serie A la qaaday Juventus, waxaana uu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2009-kii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close