“Iwobi wuxuu i soo xusuusiyaa adeerkiis Jay-Jay Okocha.”. Mesut Ozil oo ammaan ugu qubeeyay xiddig yaraha reer Nigeria

iwobi

(London) 11 Agoosto 2016. Kubbad qaabeeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa ammaan ugu qubeeyay Alex Iwobi isagoona ku sheegay in qaab ciyaareedkiisa ay soo xusuusiso adeerkii Jay-Jay Okocha iyo waliba laacibkii hore ee xulka Holland Edgar Davids.

Iwobi ayaa boos joogta ah ka helay Arsenal tan iyo sidii uu uga mid noqday qorshaha Arsene Wenger kal ciyaareedkii la soo dhaafay, Ozil ayaana aad ula dhacay saameynta xiddiga reer Nigeria.

“Wuxuu i soo xusuusiyaa adeerkii Okocha,” Ozil ayaa sidaa yiri.

“Wuxuu ahaa Okocha laacib aan jeclaa inaan daawado. Alex Iwobi wuxuu I soo xusuusiyaa isku darka Okocha iyo Davids.

Image result for Okocha vs Davids

“Wuu ku xoogan yahay kubbada dhabtii, sidoo kale daafaca, laakiin goosha horteedana wuu ku fiican yahay sidoo kale. Wuu garanayaa waxa uu sameyn karo, ma cabsado mana ku qarsoomo garoonka.

“Si fiican ayuu dhab ahaan u hormarayaa haddii uu ku sii socdana sida uu u ciyaarayay xilli ciyaareedka oo  idil, dhab ahaan kor ayuu u qaadi doonaa ciyaartiisa.

“Tababaraha wuu ogyahay sida uu u fiican yahay isaga waxaana u rajeynayaa wanaag dhammaantiis. Dhab ahaan wuu yaryahay wada fiicanna wuu hayaa.”.

Iwobi wuxuu sameeyay saddex caawin todobo kulan uu ka soo muuqday Premier League xilli ciyaareedkan cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close