Horseed oo guul ka gaartay Elman xilli ay u gudubtay wareega labaad Koobka Janeraal Daa’uud+ SAWIRRO

(Muqdisho) 11 Oktoobar 2016.Kooxda Horseed ayaa guul ka gaartay naadiga Elman ciyaar ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud oo galabta ka dhacday garoonka Koonis.
Kullanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqo, iyadoo qeybtii hore ciyaarta lagu kala nastay 1-0,oo ay ku hoggaamineyso kooxda Horseed, waxaana goolka u dhaliyay xiddiga Owako Odmono.
Intii ay socotay qeybtii hore ee ciyaarta waxaa kaarka cas loo taagay xiddiga garabka midig daafaca ee C/Fitaax Carab, markii uu wax yeelo u geystay mid ka mid ah xiddigaha kooxda Horseed.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Elman ayaa ku dhawaatay in ay la timaado goolka bar baraha, balse ma aysan noqon oo ciyaarta ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaatay 1-0.
Ciyaarta oo gabo gabo ah waxaa Horseed kaarka Cas laga siiyay xiddiga khadka dhexe ee Nuune Haashim, markii uu qaatay labo jaale,taasoo ka dhigan in uu seegi doono kullanka Horseed.
Sikastaba Kooxda Horseed ayaa xaqiijisay in ay kasoo baxday heerka guruubyada koobka Janeraal Daa’uud, waana kooxdii ugu horeysay sanadkaan ee badisa labo kullan oo xiriir ah.
SAWIR QAADE: C/Fitaax Naani
Gool FM