DAAWO MUUQAALKA: Xiddiga Man United ee Paul Pogba oo qaab cusub tinta u jartay

paul-pogba-manchester-united-1332_k7rblh8w6m2u1j8xacu9ln0ty

(Manchester) 11 Oktoobar 2016 – David Beckham ayaa ahaa xiddiga ugu qaab jarmada badnaa kubadda cagta oo ay taageerayaasha kubadda cagta aad ula yaabi jireen tintiisa, kaasoo marba nuuca gaarka ah ee uu u jaranayo, laakiin hadda xiddigii hore ee xulka qaranka Ingiriiska waxaa bedelay ciyaaryahanka kooxda Manchester United ee Paul Pogba oo kulan ama labo kulan kaddibna qaab cusub tinta u jaranaya.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United ayaa qaab jarmeed cusub ugu dabaal dagay goolkiisii uu xalay ka dhaliyey xulka qaranka Netherlands ciyaartaasoo uu 1-0 ku adkaaday xulkiisa France, kana tirsanaa isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018.

Paul Pogba dhinac ka mid ah tintiisa qaab jarmadan cusub waxaa ka muuqanaya calaamadda 100-aad, halka dhinaca kale aan la fahmin ujeedada uu ka leeyahay.

Waxa uu wiilka reer France muuqaalkan oo laga dhex maqlayo muusig ku soo bandhigay bartiisa Instagram-ka ee halkaan hoose ka daawo:-

💯🔥👌🏾😂 #poghair #fiersdetrebleus #aperuca

A video posted by Paul Labile Pogba (@paulpogba) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close