”Maradona dhadhan malaha jawaabna ma istaahilo!” – Mauro Icardi

(Milano) 10 Okt 2016 – Qannaaska kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa ka jawaabay war uu yiri Diego Maradona oo uu ku tilmaamay “erayo bilaa dhadhan ah” – “isagoo sheegay inuusan cidna tusaale u ahayn”.

Halyeeygii hore ee SSC Napoli iyo Argentina ayaa kabtanka Nerrazzurri ku tilmaamay ”khaa’in” kaddib sheekada muran dhaliska ah ee ka dhexeeysa isaga iyo saaxiibkii Maxi Lopez oo uu ka dhacay xaaska uu haatan qabo ee Wanda Nara.

“Ma ogi wixii uu yiri. Wuxuu ahaa laacib wayn, lkn wax kale oo aan uga jawaabayaa ma jiraan,” ayuu Icardi ku bilaabay waraysi uu siiyay hilinka Sky.

“Erayadiisu waa dhadhan la’aan, horayna mar buu u yiri mar aan ciyaaraynay kulan saaxiibtinimo oo uu abaabuley Javier Zanetti. Waxba kama dhihi karo qof aan cidna tusaale u ahayn.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close