“Maalin uun waan u ciyaari doonaa Barcelona” – Ousmane Dembele

(Barcelona) 10 Okt 2016 Weerar yahanka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa shaaca ka qaaday in riyadiisu ay tahay in maalin uun uu u ciyaaro kooxda reer Spain.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Ousmane Dembele uu diirada u saarnaa kooxda Barcelona suuqii xaggaaga balse uu ka doorbiday u dhaqaaqida kooxda Borussia Dortmund si uu hormar u sameeyo.

Ousmane Dembele ayaa sheegay inuu diiday Barcelona maadama ay joogaan MSN taasna aysan siinayn fursad uu ku ciyaaro.

“Maalin uun waan u ciyaari doonaa Barcelona” ayuu u sheegay 19 jirka reer France ee Ousmane Dembele wargayska Mundo Deportivo.

“Waxaan iska diiday dalabka Barcelona xaggaagii hore waayo inta ay joogaan MSN fursad uma helaysid inaan ka ciyaarto halkaas”.

“Markii aan diidayay dalabka Barcelona hadafkaygu ma ahayn diidmo kama danbays ah balse waxaan hiigsanayay inaan hormar sameeyo, rajo badan ayaan ka qabaa in maalin uun aan u ciyaari doono Barcelona”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close