Isreeb-reebka K/Adduunka 2018: Faransiiska oo Holland ku garaacay garoonkooda Amsterdam iyo Portugal oo Nus dersin ku xaaqay Faroe Islands

cubk-enwaaa5txj

(Amsterdam), 10 Okt 2016 –Waxaa caawa la ciyaaray kulammo ka tirsan Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ee lagu qaban doono Waddanka Ruushka, waxaana ugu xiiso badneyd ciyaartii Xulka Faransiisku uu Amsterdam kaga soo badiyay xulka Holland 1-0, taas oo ka tirsanayd Qaybta (A).

Goolka qura ee ciyaarta ayaa waxaa Faransiiska u dhaliyay Xidiggooda ugu qaalisan dunida ee u ciyaara Manchester United, Paul Pogba oo 30 yard ka soo laaday Darbad aad u quwad weyn oo uu celin kari waayay Goolhayaha xulka Holland iyo kooxda Everton Maarten Steklenburg.

Isla qaybtan kulammo kale oo ka tirsan ayaa waxaa wada dheelay Xulalka; Sweden iyo Bulgaria, waxaana 3-0 ku adkaatay Sweden, Belarus iyo Luxemburg-na waxay isla dhaafi waayeen 1-1.

Qaybtan waxaa hoggaaminaya Faransiiska oo leh 7 dhibcood, waloow Sweden qudheedu leedahay 7 dhibcood.

 untitledss

Qaybta (B) ee is reeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ayaa waxaa iyagana wada ciyaaray; Andorra vs Switzerland 1-2.

Faroe Island iyo Portugal 0-6, Ciyaarayahan Andre Silva ayaa saddexleydiisii ugu horreysay abid u dhaliyay xulka Portugal daqiiqadihii, 22′ 22′ iyo 32′, Ronaldo ayaa gool dhaliyay daqiiqaddii 65′ halka Moutinho iyo Cancelo labadii gool ee ugu dambeysay kala dhaliyeen daqiiqadihii 90′ iyo 91′.

Latvia iyo Hungary ayaa waxaa iyagana 2-0 guul ku xaqiiqsatay Hungary.

portugal

Dhinaca kale qaybtii ugu dambeysay ee (H) ayaa waxaa wada kulmay; Estonia iyo Greece , waxaana 2-0 ku badisay Greece, halka Bosnia iyo Qubrus ku kala bexeen 2-0.

Xulka Belgium ayaa 6-0 laqsiiyay xulka Gibraltar, waxaana weeraryahan Benteke uu dhaliyay saddex gool (1′ 43′ 55′), Witsel (19′), Mertens (51) iyo Hazard (79′).

belge

cuba8hjweaaeadd

Benteke ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsaha badnaa taariikhda xulka Belgium iyo taariikhda isreeb-reebka Koob Adduun.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close