Bale BIDAAR buu qarinayaa!!+SAWIRRO

(Wales) 10 Oktoobar 2016. Gareth Bale ayaa tinta furay oo sii daayay kulankii dhawaa uu xulkiisa Wales bar-baraha 1-1 la galay xulka Georgia isreeb-reebka koobka adduunka taa oo sare u sii qaaday shakiga laga qabay inuu Bidaar ku qarinayo tinta badan.
Marka aad si fiican oo dhow u eegto tinta Bale waxaa kuu muuqan karaya inuu ku daboolayo bidaar wayn sida midka uu qabo tababarihiisa Real Madrid ee Zinedine Zidane.
28-jirka reer Wales ayaa sanado badan ahaa mowduuc ay ka doodaan taageerayaasha iyagoo ku sheegaya inuu bidaar leeyahay laakiin waxaa qiyaas fikradeedkaas kor u sii qaaday muuqaalkiisii ugu dambeeyay.
Dooda inuu Bale leeyahay Bidaar ayaa soo bilaabatay 2013-kii, balse waxay cirka isku sii shareertay sanadkii la soo dhaafay mar la sawiray kulan ay Real Madrid la yeelatay Real Sociedad.
Waxaa taa ka sii darneyd muuqaalo laga helay intii uu socday tartankii Euro 2016, kuwaa oo muujinaya in Bale uu tinta ku qariyo Bidaar.
Haddaba daawo sawirrada oo waqtiyo kala duwan la qaaday.
Sidee u aragtaa adiga Bale ma Bidaar buu qabaa?
Gool FM.