SSC Napoli oo 6 bilood waayi doonta adeegga Arkadiusz Milik

(Roma) 09 Okt 2016 – Kooxda SSC Napoli ayaa xaqiijisay inuu 6 bilood garoomada ka maqnaan doono qannaaska Poland ee Arkadiusz Milik kaddib markii uu dhaawac kasoo gaareey waajibaadka qarankiisa.

Laacibkan 22-jirka ah ayuu dhaawucu kasoo gaarey jilibka bidix intii ay socotey ciyaartii ay xalay 3-2 kaga badiyeen Denmark, waxaana tijaabooyin horaad lagula sameeyay Poland, kahor intii aanu Roma kula kulmin dhakhtar takhasusi ah oo ku sugan  Clinico Villa Stuart.

Tijaabooyinkan ayaa lagu xaqiijiyay inuu laacibku wax ka noqday carjawda jilibka bidix, waloow markii hore la moodayay inuu qayb ahaan tarrar gaarey, taasoo 4 bilood uu ku maqnaan lahaa, balse waxaa hubaal noqotay inuu gebi ahaanba waxyeelloobey jilibku.

Milik ayaa tijaabooyin kale berri ku mari doona isla isbitaalkan, balse waxaa la rumaysan yahay, marka la eego nooca dhaawacan, in loo jari doono 6 bilood oo uu garoomada seegi doono.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close