Neymar oo dalab qaali ah ka diiday kooxda Real Madrid suuqii xaggaaga

Image result for neymar

(Barcelona) 09 Okt 2016 Laacibka kooxda Barcelona ee Neymar ayaa la soo sheegayaa inuu iska diiday dalab qaali ah oo kooxda Real Madrid ay soo hordhigtay suuqii xaggaaga.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa hordhigay Neymar dalab dhan 72 milyan oo euro.

Dalabka ka yimid Real Madrid ayaa ahaa 32 milyan oo euro oo ah mushaarkiisa sanadlaha ah iyo 40 milyan oo euro oo ah lacago dheeraad ah.

Image result for neymar vs real madrid

Sidoo kale kooxaha Man United iyo PSG ayaa u soo bandhigay aduun dhan 80 milyan oo euro, 40 milyan oo ah mushaarkiisa sanadlaha ah iyo 40 milyan oo ah lacago dheeraad ah.

Laakiin Neymar ayaa iska diiday dhamaan dalabyadaas wuxuuna go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa Barcelona isaga oo u saxiixay heshiis cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close