Nemanja Matic iyo wakiilkiisa oo lagu arkay magaalada Milan

(Milan) 09 Okt 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in magaalada Milan lagu arkay laacibka kooxda Chelsea ee Nemanja Matic iyo wakiilkiisa.
Di Marzio ayaa baahiyay in Nemanja Matic lagu arkay saaka isaga oo ka dukaamaysanaya magaalada Milan ee dalka talyaaniga waxaana la socday wakiilkiisa Giuseppe Riso.
Nemanja Matic ayaa la soo sheegayaa inuusan xiriir fiican kala dhexeyn tababaraha reer talyaani ee Antonio Conte, waxaana la ogsoonyahay inay dhici karto in laacibku uu katagi karo Chelsea mustaqbalka dhaw.
28 jirkaan reer Serbia ayaa lala xiriiriyay kooxaha Juventus, Inter iyo AC.milan oo dhamaantood isku dayay saxiixiisa suuqii xaggaaga.
Gool FM