Man City oo bartilmaameedsaneysa 4-daafac oo garabka midig oo uu ka mid yahay midka Arsenal ee Hector Bellerin

be

(Manchester) 09 Oktoobar 2016. Daafaca garabka midig ee naadiga Arsenal Hector Bellerin ayaa ka mid ah afar daafac oo isla booskaas ah oo uu bartilmaameedsanayo macallinka Man City si uu u cusbooneysiiyo shaxdiisa sida uu sheegayo warsidaha The Times.

Daafacyada garabka midig ee kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium Bacary Sagna, Pablo Zabaleta, Gael Clichy iyo Aleksandar Kolorov ayay dhammaan da’doodu ka wayn tahay 30-jiro waxaana lagu wadaa in macallinkii hore ee Barcelona inuu dib boorka uga jafo kooxda isagoo qarash gareynaya 100-milyan.

Pep Guardiola ayaa la warinayaa inuu waqti dheer la dhacsanaa Bellerin kaa oo lagu qiimeeyay adduun dhan 40-milyan, Barcelona ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa daafaca da’da yar.

Daafaca Valencia Jose Luis Gaya – kaa oo kooxda reer Spain la galay heshiis dhacaya ilaa 2020 ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu bartilmaameed u yahay Manchester City.

http://images.performgroup.com/di/library/GOAL_INTERNATIONAL/89/91/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close