Kabtanka xulka Holland ee Wesley Sneijder oo seegaya kulanka France

Wesley Sneijder (left) has been ruled out of Holland's World Cup qualifier against France

(Amsterdam) 09 Okt 2016 Sida uu xaqiijiyay tababaraha xulka qaranka Holland ee Danny Blind, Wesley Sneijder ayaa seegi doona kulanka adag ee ay marti qaadi doonaan xulka France.

Xulka qaranka Holland ayaa isniinta laciyaari doona xulka qaranka France kulan ka tirsan isreeb reebka koobka aduunka ee 2018.

Wesley Sneijder ayaa dhaawac looga saaray qaybtii hore kulankii xulkiisu uu 4-1 uga adkaaday xulka qaranka Belarus jimcihii.

Feyenoord playmaker Tonny Vilhena (right) has been called up to replace the injured Sneijder

Laacibka ayaa aaminsanaa inuu taam u noqon karo kulanka Faransiiska laakiin waxaa soo baxaya in dhaawaca laacib kaan uusan u suurogalinayn inuu ka soo muuqdo kulanka France.

Tababare Danny Blinad ayaa u yeeray laacibka kooxda Feyenoord ee Tonny Vilhena si uu u buuxiyo booska kabtan Sneijder.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close