Holger Badstuber oo dhaleeceyn dusha uga tuuray tababare Pep Guardiola

Image result for Holger Badstuber and Guardiola

(Munich) 09 Okt 2016 Daafaca kooxda Bayern Munich ee Holger Badstuber ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray tababarihiisii hore ee Pep Guardiola.

Holger Badstuber ayaa ku eedeeyay Guardiola inuu yahay tababare aan danayn ciyaartoyda isla markaana xitaa aan jeclayn inuu la sheekeysto.

27 jirkaan ayaa ku biiray dhawr ciyaartoy oo eedeeyay siyaasada tababaraha reer Spain, waxaana xusid mudan in Holger Badstuber uu intabadan dhaawac ku qaatay waayihii Guardiola ee Bayern Munich.

“Waa dareen wanaagsan in tababaruhu uu humiimad ku siiyo, waana wax ka duwan hab dhaqanka tababare Guardiola” ayuu yiri Holger Badstuber.

“Guardiola waa tababare ka gadisan tababareyaasha kale, haddii aad doonaysid inaad wada hadashaan waa inaad adigu bilowdaa balse Ancelotti isaga ayaa hadalka ku bilaabaya ciyaartoyda taas ayaana wanaagsan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close