Alex Telles oo loo bandhigay inuu u safto xulka Talyaaniga!

(Roma) 09 Okt 2016 – Waxaa jira warar sheegaya inay xulka Talyaanigu la xiriireen Alex Telles si ay u arkaan haddii uu dambeedka FC Porto uu diyaar u noqon karo inuu metelo xulka Azzurri.

Sida uu qorayo Il Tempo, waxaa jirey dalab aan toos ahayn oo loo bandhigay wiilkan 23-jirka ah ee asal Brazil-ka ah.

Wuxuu laacibkani waaya aragnimo u leeyahay Serie A xilligii uu ku sugnaa Inter, waloow ay aad u gaabnayd, maaddaama uu hal fasal uun amaah kaga yimid Galatasaray, xagaagiina uu ku biiray FC Porto.

Laacibkan ayaa haysta baasaboor Talyaani ah, taasoo u banneenaysa inuu u dheeli karo xulka Talyaaniga.

Hidde ahaan waxaa jira xiddigo reer Laatiin Ameerika ah oo jiilal kala duwan soo maray xulka Talyaaniga qaarna ay haatan u saftaan kuwaas oo loo yaqaanno Oruindi.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close