Xiddigaha ugu orodka dheereeya Premier League oo la soo saaray…(Waad la yaabi doontaa qofka hogaanka haya iyo kan ugu dambeeyaba!)

ord

(England) 08 Oktoobar 2016. Waxaa la soo saaray xiddigaha ugu dheereeya Premier League kal ciyaareedkan waxaana kaa yaabinaya dadka hogaanka u haya.

Marka la sheego orod waxaa durba maskaxdaada ku soo dhici kara, xiddigaha Arsenal sida Hector Bellerin iyo Theo Waclott ama weeraryahanka Leicester City ee Jamie Vardy laakiin midkood hogaanka uma hayo liiska cusub ee la soo saaray.

Shane Long ee weerarka kaga ciyaara Southampton ayaa hogaanka u haya liiska xiddigaha ugu orodka dheereeya Premier League wuxuuna ku orday masaafo dhan 35.31 km saacadiiba.

Waxaa labaad ku jira  Lynden Gooch ee qadka dhexe kaga ciyaara Sunderland halka uu saddexaad ku jiro daafaca Tottenham Kyle Walker.

Weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy ayaa afaraad soo xirtay, halka uu si lama filaan ah kaalinta lixaad ku soo galay daafaca cusub ee Man United Eric Bailly.

Waxyaabaha la yaabka ka ah liiskan ayaa ah inuu 8-aad ku jiro Theo Walcott halka uu 10-aad fadhiyo Hector Bellerin.

Eeg liiska 10-ka  ugu dheereysa Premier League:

capture

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close