“Waxaan ku dhawaa inaan dib ugu laabto Barcelona” – Nolito

Nolito: Barcelona return was close before I chose Man City

(Manchester) 08 Okt 2016 Weerar yahanka kooxda Man City ee Nolito ayaa xaqiijiyay inuu ku dhawaa inuu dib ugu laabto koxdiisii hore ee Barcelona suuqii xaggaaga.

Nolito ayaa 5 sano ka hor ka tagay kooxda Barcelona isaga oo ku biiray kooxda Celta Vigo laakiin kooxda Barca ayaa isku dayday inay dib u soo celiso.

Man City ayaase uga hormartay kooxda Barcelona saxiixa laacibkoodii hore kadib markii ay miiska saareen lacagtii lagu burburin karay heshiiskiisa taas oo ahayd 18 milyan oo euro.

Image result for Nolito Man City

“Waxaan ku dhawaa Barcelona” ayuu u sheegay Nolito wargayska Mundo Deportivo, “Laakiin ugu danbayntii waxaan go’aansaday inaan aado Man City” ayuu sii raaciyay.

“Waxaan rumaysanahay inuu ii ahaa go’aan sax ah iyo sidoo kale qoyskayga, waana ku faraxsanahay u ciyaarida Man City”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close