Nani oo dhaawac ku seegi doona kulanka xulkiisu uu laciyaari doono xulka Faroe Islands

(Lisbon) 08 Okt 2016 Laacibka kooxda Valencia iyo xulka Portugal ee Luis Nani ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka xulkiisu uu laciyaari doono xulka Faroe Islands.

Nani ayaa ku dhaawacmay kulankii xalay xulkiisu uu 6-0 ku garaacay xulka Andorra, baaritaan lagu sameeyay ayaana lagu ogaaday inuusan ciyaari karin kulanka isniinta.

L,Equipe ayaa xaqiijisay in Nani uusan ciyaari karin kulanka xulka Faroe Islands kaas oo ka tirsan isreeb reebka koobka aduunka kadib dhaawicii soo gaaray xalay.

Image result for Ronaldo and Nani

Xulka haysta koobka qaramada qaarada yurub ee Portugal ayaa u muuqda mid aan u dhutin doonin maqnaashaha Nani maadama Ronaldo uu dib ugu soo laabtay xulka isaga oo xalay u dhaliyay 4 gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close